Baydhabo, Maarso 19 (Dawan) – Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si degdeg ah u hakisay dhammaan duulimaadyadii ganacsi iyo kuwa gaarka ah ee ka bixi jiray ama iman jiray garoomada ku yaalla deegaannada maamulka, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Amarkan, oo dhaqan galay 18-ka Maarso, ayaa joojinaya dhammaan hawlaha duulimaadyada ee garoomada iyo meelaha ay diyaaradaha ka duulaan ee maamulka, ilaa amar kale laga soo saaro. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in tallaabadan loo qaaday si loo hubiyo badqabka shacabka loona ilaaliyo nidaamka duulista hawada, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha jira.
Wareegtada ayaa ka reebtay oo keliya duulimaadyada ay fuliyaan Qaramada Midoobay (UN) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kuwaas oo loo oggol yahay inay qabtaan hawlo bani’aadannimo, caafimaad iyo hawlo rasmi ah oo la ogyahay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in duulimaadyadan lagu xaddiday qaadista shaqaale iyo agab oo keliya, isla markaana aan la qaadi karin shaqsiyaad siyaasadeed iyada oo aan oggolaansho hore laga helin hay’adaha ay khusayso.