Jubba (Dawan) – Madaxweyne ku-xigeenka Koonfurta Suudaan, Xuseen Abdelbagi Akol, ayaa Talaadadii magaalada Juba kula kulmay ergayga gaarka ah ee Urur-goboleedka IGAD u qaabilsan dalkaas, Danjire Moussa Djama Ali, si ay uga wada hadlaan hirgelinta heshiiska nabadda iyo diyaar-garowga doorashada la qorsheeyay in la qabto bisha Diseembar 2026.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta Heshiiska Nabadda ee Dib-u-habeynta, geeddi-socodka doorashada, wada-hadallada siyaasadeed ee dhinacyada kala duwan iyo shuruudaha dhameystirka xilliga kala guurka.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ammaanay doorka IGAD ee taageerada joogtada ah ee geeddi-socodka nabadda Koonfur Suudaan, isagoo ku tilmaamay ururka mid muhiim u ah dowladnimada iyo xasilloonida dalka.
Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay sida ay dowladda Koonfurta Suudaan uga go’an tahay fulinta heshiiskii nabadda iyo qabashada doorasho xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo bisha Diseembar ee soo socota.