Muqdisho (Dawan) – Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku shaqeysata hal-abuurka dijitaalka ah (Content Creation) ayaa weli wajahaya caqabado ay ka mid yihiin qalab la’aan, maalgelin yari iyo helitaan la’aanta fursado ay ku horumariyaan xirfaddooda. Si kastaba ha ahaatee, qaar badan oo ka mid ah hal-abuurayaashan ayaa sheegay in caqabadahaasi aysan ka hor istaagin inay sii wataan shaqadooda.
Arrimahan ayaa si weyn looga hadlay Shirka Somali Content Creators & Digital Economy Conference (SOCCDEC) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeybgaleen hal-abuurayaal, masuuliyiin dowladeed, bangiyo, shirkado gaar loo leeyahay iyo daneeyayaal kale oo ka shaqeeya kobcinta dhaqaalaha dijitaalka ah.
Caisha Maxamed, oo ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata content creation-ka, ayaa ka warantay caqabadihii ay la kulantay intii ay ku guda jirtay shaqadeeda. Waxay sheegtay in kombiyuutarkii ay ku shaqeyn jirtay uu ciladoobay, isla markaana aysan haysan kaamiro ay ku sii waddo soo saarista nuxurka ay bulshada la wadaagto.
Waxay xustay inay xal u heshay xaaladdaas kadib markii ay iibsatay DJI Osmo Pocket, taas oo u suurtagelisay inay muuqaallada ku duubto kuna tafatirto taleefankeeda.
“Waad dareemi kartaa marka aad qof dhalinyaro ah tahay, qof ku maalgelinaya ma haysatid. Waxaa dhacday in computer-kii iga halaabay, kaamirona ma haysan. Waxaan sameeyay inaan jaanis u helo inaan gato DJI Osmo Pocket. Waxay iga caawisay inaan computer-ka ka maarmo; application ay leedahay ayaan telefoonkeyga ku xiraa, telefoonkeyga ayaanna ku edit-gareeyaa. Sidaas ayaan content-keyga u sameystaa,” ayay tiri Caisha Maxamed.
Sheekada Caisha ayaa ka tarjumeysa xaaladda ay wajahayaan dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo ku howl leh hal-abuurka dijitaalka ah, kuwaas oo inkasta oo ay la kulmaan caqabado dhinaca qalabka, maalgelinta iyo fursadaha shaqo, haddana sii wada dadaalkooda.
Fowzi Jamaal Barow, oo ka mid ah qabanqaabiyayaasha shirka ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee SOCCDEC ay ahayd in si dhab ah looga doodo caqabadaha heysta content creators-ka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada maalgelinta iyo tababarka.
Waxa uu sheegay in shirka lagu kulansiiyay hal-abuurayaasha, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bangiyada si loo abuuro iskaashi horseeda maalgelin iyo taageero joogto ah.
“Shirka sidoo kale su’aalaha laga jawaabay waxaa ka mid ah dhallinyaradan content creators-ka ah caqabado kale oo local ah ayaa heysta, oo ay ka mid tahay in aysan helin maalgelintii ay u baahnaayeen iyo garab istaaggii ay u baahnaayeen. Waxaan shirka isugu keenay shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bangiyada, si ay uga jawaabaan su’aalahaas, dhalinyaradana ugu sameeyaan maalgelin iyo tababaro joogto ah,” ayuu yiri Fowzi Jamaal Barow.
Yuusuf Axmed, oo isaguna ka mid ahaa dadkii ka hadlay shirka, ayaa tilmaamay in content creation-ku uu yahay xirfad fure u noqon karta shaqo-abuurka iyo kobaca dhaqaalaha dhalinyarada Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in hal-abuurayaashu ay xirfaddooda ka abuuri karaan dakhli, isla markaana bulshada gaarsiin karaan fariimo wax-ku-ool ah.