Muqdisho (Dawan) – Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa hal maalin gudaheed ku doortay Madaxweynaha iyo hoggaanka Golaha Wakiillada.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa mar kale doorasho la isku khilaafsanyahay loogu doortay xilka kaddib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo, sidaauu ku dhawaaqay guddiga doorashada Koonfur Galbeed.
Doorashadan waxaa barbar socday doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labada Guddoomiye ku-xigeen, iyadoo xildhibaannadu si wadajir ah ugu codeeyeen hoggaanka sare ee maamulka kaddib dhaarintoodii oo isla maanta ka dhacday hoolka doorashada.
Habka doorashada oo ay maamulayeen guddiyada doorashooyinka ee dowlad-goboleedka ayaa suurageliyay in hal maalin gudaheed lagu dhammeystiro doorashada saddexda hoggaan ee ugu sarreeya maamulka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhoweeyay natiijada doorashada, isaga oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada, ku-xigeennadiisa iyo Madaxweyne Laftagareen oo mar kale xilka loo doortay.


