Somalia, 9 Noofembar 2025 — Maamulka Gobolka Banaadir ayaa beeniyay eedeymo uu soo jeediyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka (INEBC) oo sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha gobolka lagu cadaadiyay inay ku biiraan ururro siyaasadeed.
Maamulka ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in uusan wax lug ah ku lahayn arrin noocaas ah, isagoo eedeymaha ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn. Wuxuu xusay in maamulka uu weli ku taagan yahay mabda’a dimuqraadiyadda, nidaamka xisbiyada badan, iyo xorriyadda muwaadiniinta ee ay ku go’aansan karaan cidda ay siyaasaddeeda taageerayaan.






