Muqdisho (Dawan) – Madasha Midnimo Qaran, oo ah madal cusub oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah, ayaa Axaddii magaalada Muqdisho kula kulantay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, iyagoo ka wadahadlay wada-tashiyada doorashooyinka dalka ee la filayo, sida ay Dawan u sheegeen xubno madasha ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray habraaca iyo qaab-dhismeedka wadahadallada la filayo inay ka dhacaan Muqdisho, kuwaas oo la xiriira hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Kulanka waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha Madasha Midnimo Qaran, Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Wasiir Hore Daahir Maxamuud Geelle, iyo madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa Dawan u sheegay kulanka kadib in madashu ay soo bandhigtay aragtideeda ku aaddan geeddi-socodka wadahadalka, isla markaana ay daneynayso ka qeybgal buuxa oo ay ku yeelato wada-hadallada.