Somaliland, 15 October 2025 – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa la filayaa in uu la kulmo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ka dib marti qaad rasmi ah uu ka helay.
Sawiro lagu baajiyaya bogga internetka xafiiska madaxtootyada Soomaaliland ayaa muujinayay in Cirro uu ka dagay Adis ababa shalay, qoraal ay soo qoreen isla bogga madaxtooyada ayaa lagu sheegay in safarkaan uu yimid ka dib marti qaad rasmi ah uu Madaxweynaha Somalilan ka helay Abiy Axmed.
Kulanka dhex mari doona Cirro iyo Abiy la shaacin waxa looga hadli doono, balse Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmo ka hor Abiy Adis ababa kula kulmay, iyaga waxyaabihi ay ka hadleen ay ka mid ahaayeen xiriirka labada dal iyo ilaalnta madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.
Somaliland ayaa horay heshiis is-af-garad oo muran dhaliyay la gashay Itoobiya iyada marki danbo qilaafki ka dhashay lagu soo gabagabeeyay Ankara ka dib kulama dhowr ah oo dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya.
Kulanka Abiy iyo Cirro wixi ka soo baxa oo heshiis ah waxa ay saameyn ku yeelan doonaa Soomaaliya si la mid ah tii hore Muuse Biixi iyo Abiy ee bilowki 2024.
Cirro iyo Somaliland ayaa in ka badan 30 sano ku jiro baadigoobka aqoonsiga dal ka madax banaan Soomaaliya, halka Itoobiya ay iyadana raadin ugu jirto sidi ay ku heli lahyd bad ay iyada si qaas ah u maamusho oo ay wax kala soo dagto hadii ay doontana adeegyo kale ay ka fushan karto.



