Washington (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in aqoonsiga Israel ee Somaliland uu ka tarjumayo isbeddel ballaaran oo ku yimid sida dowladuhu u arkaan danaha istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas go’aan ku saleysan danaha amni iyo kuwa gobolka.
Cirro ayaa hadalkan sheegay Isniintii, xilli uu khudbad ka jeedinayay machadka Hudson Institute ee Washington, halkaas oo uu kaga hadlay xiriirka Somaliland iyo Israel iyo xaaladda amni ee guud ee ka jirta Badda Cas iyo Geeska Afrika.
“Waxaan la kulannay hoggaamiyeyaal siyaasadeed, amni iyo ganacsi oo Israel ah,” ayuu yiri Cirro, isagoo kulamada ku tilmaamay kuwo ay yeesheen laba dhinac oo dimuqraadiyadeed oo ku kala yaalla labada dhinac ee Badda Cas, kuwaas oo ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa xasilloonida, barwaaqada iyo amniga gobolka.
Wuxuu sheegay in aqoonsiga Israel uu muujinayo, isbeddel ku yimid habka dowladuhu u qiimeeyaan Geeska Afrika, iyadoo muhiimad dheeraad ah la siinayo danaha istiraatiijiyadeed iyo amni. “Israel nama aqoonsan si ay noo caawiso, balse waxay ahayd go’aan istiraatiiji ah,” ayuu raaciyay hadalkiisa.