Jabuuti (Dawan)— Madaxweynaha Jabuuti ahna Guddoomiyaha hadda ee IGAD, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku baaqay in Koonfurta Suudaan loo dejiyo qorshe cad oo lagu dhammaystirayo geeddi-socodka kala-guurka siyaasadeed, isla markaana doorashooyinka dalka lagu qabto ka hor dhammaadka Diseembar 2026.
Geelle ayaa hadalkan ka sheegay kulan madaxeed oo khadka internetka ah oo uu Talaadadii ka qeyb galay Guddiga Heerka Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Koonfurta Suudaan, iyadoo dalkaasi uu wajahayo khilaafaad siyaasadeed, rabshado hubeysan iyo xaalad amni oo sii xumaanaysa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xasilloonida Koonfurta Suudaan ay ku xiran tahay go’aanka hoggaamiyeyaasha dalkaas ay ka qaataan dhinaca nabadda iyo is-afgaradka, halkii ay ka sii wadi lahaayeen loollanka ku saleysan dano siyaasadeed oo shaqsi ama xisbi.
“Mas’uuliyadda koowaad ee doorashada waddada is-afgaradka halkii laga qaadi lahaa waddada iska horimaadka waxay saaran tahay hoggaamiyeyaasha Koonfurta Suudaan,” ayuu yiri Geelle.
Waxa uu sheegay in xal waara uu u baahan yahay hannaan siyaasadeed oo hufan oo ku dhisan is-afgarad, isagoo IGAD ugu baaqay dhinacyada Koonfurta Suudaan inay si cad u qeexaan tallaabooyinka lagu soo afjarayo kala-guurka.
“IGAD waxay mar kale ku celinaysaa baaqeeda degdegga ah ee ah in la helo qorshe cad oo kama dambeys ah oo ku saabsan geeddi-socodka kala-guurka iyo qabashada doorashooyinka illaa Diseembar 2026,” ayuu yiri.
Geelle ayaa sheegay in dib-u-dhac kale uusan dan u ahayn Koonfurta Suudaan oo keliya, balse uu saameyn ku yeelan karo gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.