Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Mauritania, Maxamed Ould Sheekh Al-Ghazouani.
Ergayga, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mauritania , Dr. Maxamed Saalim Merzoug, ayaa Madaxweynaha Jabuuti gaarsiiyay farriin qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa.
Farriinta ayaa xambaarsaneyd tacsi iyo tiiraanyo la xiriirta geerida dhowaan ku timid xubin ka tirsan qoyska Madaxweyne Geelle iyo hambalyada sanad-guuradii 49-aad oo ay Jabuuti u dabbaaldegeyso todobaadkan markii Jabuuti ka xorowday gumeystihii Faransiiska.
Kulanka Geelle iyo Wasiirka ayaa sidoo kale ahaa fursad ay labada dhinac isku dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka iyo arrimo kale oo ay wadaagaan labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mauritania, Dr. Maxamed Saalim Merzoug, ayaa warbaahinta u sheegay in Jabuuti iyo Mauritania ay wadaagaan dano badan oo ku saabsan arrimaha Afrika, Carabta iyo dunida Islaamka.