Uganda (Dawan ) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manata oo Isniin ah gaaray dalka Uganda si uu uga qeyb galo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha la doortay Yoweri Museveni, sida ay sheegtay Uganda Media Centre.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si rasmi ah loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Entebbe, halkaas oo ay ku qaabishay Ra’iisul Wasaaraha Uganda Robinah Nabbanja.
Munaasabadda caleemo-saarka Museveni ayaa la qorsheeyay inay 12-ka May ka dhacdo Kololo Ceremonial Grounds ee magaalada Kampala, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Uganda.
Dowladda Uganda ayaa sheegtay in madax iyo mas’uuliyiin heer gobol ah ay kasoo qeyb geli doonaan munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Uganda.


