Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu maanta oo Talaado ah u safri doono magaalada Dooxa ee dalka Qatar, si uu uga qayb qaato tacsida geerida Amiirkii hore ee Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al Thaani.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si toos ah ugu gudbin doono tacsi uu uga wakiil yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo la wadaagaya qoyska Amiirka, dowladda iyo shacabka Qatar.
Kahor safarka Madaxweynaha, Soomaaliya ayaa dirtay wafdi heer sare ah oo ka qayb galay salaadda janaasada ee lagu tukaday Amiirkii hore ee Qatar.
Wafdiga ayaa ka koobnaa Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cali Maxamed Cumar, iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda a Soomaaliya ee Doha.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in wafdiga Soomaaliya uu ku biiray xubnaha mas'uuliyiinta shisheeye iyo madaxda kale ee ka qayb galay munaasabadda tacsida, kuwaas oo muujiyay murugada iyo garab istaagga ay la wadaagayaan shacabka iyo hoggaanka Qatar.