Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Jimco ah gaaray magaalada Jabuuti si uu uga qeyb galo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Jabuuti, halkaas oo uu ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in booqashadu ay muujineyso xiriirka dhow iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah madaxda gobolka iyo mas’uuliyiinta lagu casuumay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Geelle ee ka dhaceysa caasimadda Jabuuti.


