Jabuuri (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho shaqo ku gaaray magaalada Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb geli doono munaasabadda 49-guurada ka soo wareegtay xorriyadda Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo, waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti.
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah madaxda dalalka gobolka iyo mas’uuliyiinta ururrada caalamiga ah ee lagu casuumay dabaal-degga maalinta xorriyadda Jabuuti, oo sanad kasta la xuso 27-ka Juun, kuna beegan sannad-guuradii xorriyaddii dalkaasi ka qaatay Faransiiska sanadkii 1977.