Galgaduud (Dawan) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galguduud tababar ugu soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo dowladda sheegtay inay yihiin ciidamadii ugu badnaa ee heerkan oo kale loogu tababaro gudaha dalka tan iyo burburkii dowladdii dhexe.
Ciidamadan ayaa muddo ku dhow hal sano tababar aasaasi ah ku qaadanayay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xananbuure, waxaana laga soo qoray gobollo kala duwan oo dalka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda qalin-jabinta ka sheegay in tababarka ciidamada gudaha dalka lagu bixiyo uu qayb ka yahay dadaallada dib loogu dhisayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qalin-jabinta kumannaanka askari ay muujinayso horumar laga sameeyay awoodda dowladda ee tababarka iyo tayeynta ciidamada, iyadoo askarta cusub ay si rasmi ah ugu biirayaan safafka Ciidanka Xoogga Dalka.