Muqdisho (Dawan)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee degmada Boondheere, taas oo dib loo howlgeliyay 34 sano kadib, kaddib markii dib-u-dhiskeeda ay taageereen dowladaha Norway iyo Switzerland.
Munaasabadda xarig-jarka oo ka dhacday xarunta Wasaaradda ee Muqdisho, waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno ka socday labada Aqal ee Baarlamaanka, wasiirro, safiirro ka socday dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya, hay’adaha taageera dowlad-dhiska, bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.
Xaruntan oo ka mid ahayd goobihii ugu waaweynaa ee dowladda ee burburay wixii ka dambeeyay burburkii dowladnimada sanadkii 1991-kii, isla markaana muddo dheer ay deggenaayeen dad rayid ah iyo barakacayaal, ayaa maanta dib loogu soo celiyay gacanta Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Xarunta ayaa loo diyaariyay inay noqoto xarun casri ah oo laga hago howlaha federaaleynta, dib-u-heshiisiinta, xasillinta iyo adeegyada kale ee Wasaaradda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali "Xoosh", ayaa sheegay in dib-u-howlgelinta xarunta ay tahay guul muhiim ah oo muujinaysa dib-u-soo kabashada hay'adaha dowladda. Wuxuu xusay in Wasaaraddu ay dib ugu soo laabatay xarunteedii rasmi ahayd 34 sano kadib, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo lagu xoojinayo adeegyada ay dowladda u fidiso shacabka.