Kismaayo, 14 Janaayo 2026 (Dawan)— Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam “Madoobe”, ayaa si cad uga hor yimid dadaallada Somaliland ay ugu jirto helista aqoonsi caalami ah, isaga oo soo jeediyay in cabashooyinka maamulkaas ay tahay in lagu xalliyo gudaha Soomaaliya, halkii laga raadin lahaa taageero dibadeed.
Isaga oo maanta oo Arbaco ah la hadlayay xubnaha Baarlamaanka Jubaland ee ku shiray magaalada Kismaayo, Madoobe ayaa sheegay in dhibaatooyinka iyo tabashooyinka ay Somaliland sheeganayso ay yihiin arrimo Soomaali dhexdeeda lagu xallin karo, isla markaana aysan jirin cid kale oo xal u keeni karta marka laga reebo ummadda Soomaaliyeed.
“Somaliland cabasho muddo badan ka hadlayeen. Waxay sheeganayeen in duruufaha horay iyo dhibaatooyin soo gaaray ay jiri karaan, laakiin waxaan oran lahaaa; Somaliland, meesha aad ka raadinaysaan (aqoonsiga ama xalka) idinkama jiraan," ayuu Madoobe ka hor yiri Baarlamaaanka, isaga oo raaciyay " Baahidiinna, waxaad u baahan tihiin, iyo la xaajoodkiina, Soomaali buu idin ka jiraa. Soomaali bayna ku xirantahay."
Madaxweynaha Jubaland ayaa dhanka kale eedeyn culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay inay door ku leedahay sii fogeynta khilaafaadka iyo kala fogaanshaha siyaasadeed ee ka dhex jira dalka.
"Dowladda dhexe ayaa sabab u ah kala fogaanshaha iyo burburka suurtagalka ah ee aan maanta aragno," ayuu yiri Madoobe. isaga oo ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka inay ka baxeen nidaamkii sharciga ahaa ee lagu wada ahaa heshiis, ayna isku koobeen maamulka sida uu hadalka u dhigay taas oo sababtay in xalkii siyaasadda dibadda iyo gudaha uu dayacmay






