Ankara (Dawan)- Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu bixisay magaca "Curadka 1-aad" ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga qodi doono badda dhexdeeda, sida uu shaaca ka qaaday, Daahir Shire Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Soomaaliya.
Wasiirikaoo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu sagootinayay markab Cagri Bey oo howlaha qodista fulin doona, xilli oo kasoo amba baxay dekedda Dekedda Taşucu ee ku taal gobolka Mersin ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu bixiyay magaca Ceelka shidaalka, isaga oo uu yiri "Maanta waxaan u joognaa amba bixintii markabka shidaalka qodi lahaa ceelka ugu horeeyay ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu magac daray Curad Kow "
Markabka, ayaa muddo 45 maalmood ah kusoo gaari doona xeebaha Soomaaliya, waana markii ugu horreysay ee markab Turki ah oo qoda moolka dheer uu hawlgal u aado meel ka baxsan biyaha dhuleed ee Turkiga.
Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in maalintan ay tahay mid taariikhi ah oo muujinaysa dib-u-soo kabashada iyo dhismaha mustaqbalka dhaqaale ee dalka, isagoo xusay in markabkani uu Soomaaliya u yahay rajo cusub oo ku dhisan sharci, nidaam iyo mas’uuliyad.
"Markabkan maanta u ambabaxay biyaha Soomaaliya ma aha oo keliya qalab farsamo, waa astaan qaran, waa rajo, waa fursad, waa bilow cusub oo ku dhisan sharci, hufnaan, iyo masuuliyad," ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, oo ka hadlay munaasabadda.
Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in maamulka kheyraadka shidaalka loo maareyn doono si hufan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, si faa’iidada kasoo baxda ay u gaarto jiilka hadda jooga iyo kuwa mustaqbalka, islamarkaana ay door uga qaadato horumarinta dhaqaalaha qaranka.







