Mahadaay (Dawan ) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Arrimaha Soohdimaha Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah uga bilaabay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe diiwaangelinta codbixiyayaasha, taas oo qeyb ka ah hirgelinta nidaamka doorashooyinka tooska ah ee dalka.
Daahfurka diiwaangelinta, waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, xubno ka mid ah bulshada deegaanka, iyo qeybaha kala duwan ee shacabka, kuwaas oo safaf dhaadheer u galay isdiiwaangelinta codbixinta.
Mas’uuliyiinta degmada Mahadaay ee goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay diiwaangelintan mid taariikhi ah, iyagoo xusay inay fursad siinayso shacabka inay si toos ah u doortaan hoggaankooda mustaqbalka.


