Tehraan (Dawan) – Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay caasimadda Iran ee Tehraan subaxnimadii Sabtida, iyadoo qiiq madow laga arkayay qaybo ka mid ah magaalada. Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in dalkiisu fuliyay “weerar ka-hortag ah” oo lala beegsaday Iran.
Dhawaaqyada seerinnada digniinta ayaa sidoo kale laga maqlay guud ahaan Israa’iil, halkaas oo lagu dhawaaqay xaalad degdeg ah, taasoo mamnuucaysa iskuullada, isu-soo-baxyada iyo goobaha shaqada, marka laga reebo adeegyada lagama maarmaanka ah.
Warbaahinta Israa’iil, gaar ahaan Channel 12, ayaa sheegtay in weerarka si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil.
Weerarradan ayaa ku soo beegmay xilli ay socdeen dadaallo diblomaasiyadeed oo u dhexeeya mas’uuliyiin Mareykan iyo Iiraan ah oo ku saabsan heshiis la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran. Wasiirka arrimaha dibadda Cumaan, Badr Albusaidi, oo dhexdhexaadinayay wada-hadallada, ayaa Jimcihii la kulmay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance, isaga oo sheegay inuu rajeynayo in harumar laga gaaro hannaanka wadahadallada.








