Muqdisho, 4 Febraayo 2026 (Dawan)— Dowladda Mareykanka ayaa gaarsiisay qalab milatari, oo uu ka mid yahay hub, Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay Talaadadii sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasaaraddu ma shaacin tirada hubka la gaarsiiyay iyo qiimahooda, balse waxay tilmaantay in deeqdan ay qeyb ka tahay iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, kaas oo lagu taageerayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
“Waxaan u heellan nahay ciribtirka haraaga argagixisada, howlgalada ka dhanka ahna way sii socon doonaan ilaa nabad iyo xasillooni waarta laga hirgeliyo guud ahaan dalka,” ayay wasaaraddu ku tiri bayaan ay soo saartay.







