Jabuuti, 24 Diseembar 2025 (Dawan)- Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu wareejisay Jabuuti laba diyaaradood oo ah nuuca Cessna 208B ah, kuwaas oo lagu qalabeeyey nidaamyada Sirdoonka, Kormeerka, iyo Baaritaanada (ISR), si loo xoojiyo awoodda kormeerka hawada iyo ilaalinta xuduudaha dalka Jabuuti.
Munaasibadda wareejinta diyaaradaha ayaa ka dhacday saldhig diyaaradeed oo ku yaal caasimadda Jabuuti, iyada oo ay goob joog ka ahaayeen Taliyaha Guud ee Ciidamada, General Sakariye Sheekh Ibraahim, Safiirka Mareykanka ee Jabuuti, Cynthia Kierscht iyo mas'uuliyiin kale.
Diyaaradahan cusub ayaa ka qayb qaadan doona ilaalinta xuduudaha cirka, dhulka iyo badda ee Jabuuti, oo ah dal ku yaal goob istiraatiiji ah. Safiirka Mareykanka, Cynthia Kierscht, ayaa xaqiijisay taageerada joogtada ah ee Mareykanka ee dhinacyada difaaca iyo amniga, iyadoo tilmaantay in iskaashiga labada dhinac uu salka ku hayo danaha wadajirka ah ee xasiloonida gobolka.





