Muqdisho (Dawan) – Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in falalka lagu waxyeelleynayo xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka ay saameyn taban ku yeelan karaan iskaashiga labada dal iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, iyadoo bogaadisay tallaabada degdegga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaaday dhacdo lagu xadgudbay calanka Mareykanka.
War-saxaafadeed ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu Soomaaliya ku taageeray balaayiin doollar oo ay bixiyeen canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka, kuwaas oo lagu maalgeliyay dhinacyada amniga, horumarinta iyo la-dagaallanka argagixisada. Safaaraddu waxay xustay in taageeradaasi ay si gaar ah u garab taagnayd howlgalada lagu beegsanayo kooxaha argagixisada ee halista ku ah danaha Mareykanka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Safaaradda ayaa sidoo kale soo dhoweysay tallaabada degdegga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinaya shaqsiyaad lagu sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada amniga Soomaaliya oo ku xadgudbaya calanka Mareykanka.