Qaahira (Dawan) – Dowladda Masar ayaa sheegtay in markab shidaal oo ay saarnaayeen badmaaxiin Masaari ah lagu afduubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar Isniintii.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay la socoto wararka ku saabsan afduubka markabka shidaalka ee M/T Eureka, kaas oo la sheegay in laga qafaashay biyaha Yemen, kadibna loo leexiyay biyaha Soomaaliya, gaar ahaan xeebaha Puntland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa faray safaaradda Masar ee Muqdisho inay si dhow ula socoto xaaladda badmaaxiinta Masaarida ah ee saaran markabka, isla markaana ay bixiyaan taageero iyo gargaar kasta oo loo baahan yahay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in mas’uuliyiinta Masar ay wadaan xiriir heer sare ah oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo badqabka iyo sii deynta shaqaalaha Masaarida ah ee saaran markabka.


