Jabuuti, 8 December 2025 – Dowladda Masar ayaa meel gabagabo ah marsiineysa dhismaha warshadda tamarta laga dhaliyo qorraxda ee laga hirgelinayo degmada Cumar Jaga ee Jabuuti, iyada oo la filayo inay daboosho baahida bulshada deegaanka ee dhanka korontada.
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta Jabuuti, Yoonis Cali Geedi, iyo Safiirka Masar ee Jabuuti, Cabdiraxmaan Ra'afat, ayaa booqday xarunta oo dhismaheedu marayo heer gabagabo. Maalgelinteeda Warshadda waxaa bixisay dowladda Masar, waxayna qayb ka tahay dadaallada lagu ballaarinayo helitaanka tamar nadiif ah iyo mid la cusboonaysiin karo oo lagu helo qiima jaban.
Warshadda, oo lagu qalabeeyay teknolojiyad casri ah oo ay bixisay Huawei, ayaa la qorsheynaya inay soo saarto koronto qiimaheedu hooseeyo, taas oo ka caawin doonta degmada Cumar Jaga iyo deegaannada u dhow yareynta caqabadaha dhinaca korontada. Mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa sheegay in mashruucan uu door muuqda ka ciyaari doono horumarinta kaabayaasha tamarta ee dalka.







