Gaarisa (Dawan)— Masuuliyiinta waxbarashada ee gobolka Gaarisa ayaa ku baaqay in luqadda Carabiga si rasmi ah loogu daro manhajka dugsiyada Kenya laga bilaabo fasalka afraad, iyagoo sheegay in luqaddu muhiim u tahay nolosha dhaqanka iyo waxbarashada bulshada deegaanka, sida ay baahisay Standard Media.
Soo jeedinta ayaa lagu gudbiyay kulan wadatashi dadweyne oo lagu qabtay Jaamacadda Gaarisa, halkaas oo Guddiga Waxbarashada ee Baarlamaanka Kenya uu bulshada ka dhageysanayay aragtiyo ku saabsan lix hindise-sharciyeed oo la xiriira dib-u-habeynta waxbarashada.
Xoghayaha Guddiga Waxbarashada Gobolka Gaarisa, Cabdi Maalim, ayaa sheegay in carruur badan oo gobolka ku nool ay waxbarashadooda ku bilaabaan dugsi Qur’aan ka hor inta aysan u gudbin dugsiyada rasmiga ah. Wuxuu soo jeediyay in dowladda ay sameyso guddi gaar ah oo daraaseeya sidii waxbarashada madarasadaha loogu dari lahaa nidaamka waxbarashada rasmiga ah.
Agaasimaha Waxbarashada ee Gaarisa Sub-County, Rashiid Maxamed, ayaa sidoo kale taageeray in Carabiga laga bilaabo fasalka afraad, isagoo sheegay in bilaabidda luqadda xilli hore ay ardayda siin karto waqti dheeraad ah oo ay ku horumariyaan aqoontooda.