Nairobi (Dawan ) – Bangiga Adduunka ayaa Arbacadan maanta ah ka digay in qiimaha sare ee korontada uu weli yahay caqabad weyn oo hortaagan koboca dhaqaalaha, ballaarinta ganacsiga iyo shaqo abuurka Soomaaliya.
Digniintan ayaa lagu sheegay warbixinta ugu dambeysay ee Somalia Economic Update 2026 oo lagu daahfuray kulan online ah oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, dhaqaaleyahanno ka socda Bangiga Adduunka iyo khubaro dhanka tamarta ah.
Warbixinta ayaa sheegtay in qoysaska iyo ganacsiyada Soomaaliyeed ay weli wajahaan qaar kamid ah qiimaha koronto ee ugu sarreeya caalamka, iyadoo halkii kilowatt-saac uu u dhexeeyo $0.48 ilaa $0.90.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsan tahay koronto laga dhaliyo naaftada, taas oo dhaqaalaha dalka ka dhigaysa mid si fudud ugu nugul kororka qiimaha shidaalka caalamiga ah.
Sida lagu sheegay warbixinta, sare u kaca qiimaha shidaalka wuxuu kordhiyaa qiimaha korontada, gaadiidka iyo cuntada, isagoo sidoo kale hoos u dhigaya tartanka ganacsiyada Soomaaliyeed.
“Korontadu waa caqabad weyn oo hortaagan koboca dhaqaalaha iyo shaqooyinka,” ayaa lagu yiri warbixinta, iyadoo la xusay in qiimaha sare ee tamarta uu saameyn ku yeesho wax-soo-saarka, maalgashiga iyo shaqaaleysiinta.


