Muqdisho (Dawan)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa Sabtidii si rasmi ah u furay kalfadhiga 91-aad, iyadoo Guddoomiyaha Golaha, Saleebaan Maxamuud Aadan, uu sheegay in mudanayaashu ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka loo igmaday.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Golaha Guurtidu uu doonayo inuu si buuxda u guto xilkiisa, isagoo xusay in goluhu u baahan yahay garab iyo taageero ka timaadda xukuumadda, oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Somaliland, iyo shacabka.
Wuxuu sheegay in haddii xukuumadda iyo shacabka ay Golaha taageeraan, uu goluhu ballanqaadayo inuu shaqadiisa u guto sida laga filayo.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in Golaha Guurtidu uu diyaariyay guddi loo dirayo gobolka Sanaag, isagoo xusay in socdaan wada-hadallo lala yeelanayo dadka iyo waxgaradka gobolka.
Wuxuu sheegay in Golaha Guurtidu uu diyaarsaday sagaal xubnood oo ka qayb qaata dadaallada la xiriira xaaladda Sanaag, isla markaana la sugayo in wada-hadallada socda ay soo dhammaadaan.
“Annaga xagga Guurti ahaan waa naga diyaar sagaal xubnood oo xul ah, wax walbana u dhan yihiin,” ayuu yiri Saleebaan.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay xaaladda ka jirta deegaannada galbeedka, isagoo sheegay in Golaha uu horey u magacaabay guddi ka shaqeeyay arrimaha nabadda.