Baydhabo (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen" ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii madaxweynaha, kaas oo 28-kii bishan loogu doortay doorasho la isku khilaafsan yahay, iyada maanta ay ciidamo taageersan dowladda Federaalka Soomaaliya la wareegeen gacan ku heynta magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Laftagareen ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 30-ka Maarso 2026 uu iska casilay xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu magacaabay Axmed Maxamed Xuseen, oo ah Wasiirka Maaliyadda, inuu noqdo ku-simaha madaxweynaha ilaa laga gaarayo xal kama dambeys ah.


