Muqdisho (Dawan ) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesca Di Mauro, iyagoo ka wadahadlay iskaashiga laba geesoodka ah, dhismaha dowladnimada iyo arrimaha horumarinta, sida ay sheegtay Villa Somalia.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada ay wadaagaan.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay taageerada la xiriirta dadaallada Soomaaliya ee dhismaha dowladnimada iyo qorshayaasha horumarinta dalka, sida lagu sheegay qoraalka.
Villa Somalia ayaa sheegtay in labada dhinac ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii wadista wada-shaqeynta iyo wadatashiga ku saabsan arrimaha ay wadaagaan.


