Jabuuti (Dawan)- Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa maanta magaalada Jabuuti uga furay kalfadhi aan caadi ahayn oo diiradda lagu saarayo xaaladda hay’adeed ee ururka, dhaqan-gelinta Heshiiska cusub ee IGAD iyo arrimaha mudnaanta u leh nabadda, amniga iyo horumarinta Geeska Afrika.
Kalfadhiga 74-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada IGAD waxaa guddoominaya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar , oo ah Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada IGAD.
Xoghayaha Fulinta IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, oo ka hadlay furitaanka shirka, ayaa sheegay in ururku wajahayo xaalad adag oo u baahan in dalalka xubnaha ka ah ay xoojiyaan iskaashiga iyo taageerada ay siiyaan hay’adda, gaar ahaan xilli isbeddello cusub ay ku soo wajahan yihiin qaab-dhismeedka iyo shaqada ururka.
Dr. Workneh ayaa sheegay in shirka lagu qabanayo Jabuuti, oo ah halka IGAD lagu aas-aasay 40 sano ka hor, ay tahay fursad muhiim ah oo dalalka xubnaha ahi uga gaaraan go’aanno lagu xaqiijinayo mustaqbalka ururka, isagoo ku boorriyey xubnaha inay ka gudbaan marxaladda hadalka una gudbaan tallaabooyin wax-ku-ool ah.
Waxa uu sheegay in Heshiiska cusub ee IGAD uu helay tiradii ansixinta ee looga baahnaa, iyadoo shan ka mid ah toddobada dal ee xubnaha ahi ay ansixiyeen, taasoo horseedday inuu heshiisku si rasmi ah u dhaqan galo. Wuxuu xusay in marxaladda cusub ee heshiiska ay muhiim ka dhigayso in dowladaha xubnaha ah ay si muuqata u muujiyaan lahaanshaha iyo taageerada ay u hayaan ururka.
Xoghayaha Fulinta IGAD ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda dhaqaale iyo hay’adeed ee ururka ay u baahan tahay in si degdeg ah wax looga qabto. Waxa uu Golaha Wasiirrada ka codsaday saddex arrimood oo kala ah in la xasiliyo howlaha muhiimka ah ee ururka, in si nidaamsan loo bixiyo deymaha iyo lacagaha hore u maqnaa, isla markaana la sameeyo hannaan dhaqaale oo ka hortaga in dhibaatadan ay soo noqnoqoto.