Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa si faahfaahsan uga hadlay sababihii keenay in gulufkii ay dowladdu ku qaadday Al-Shabaab dhammaadkii 2022 uu daciifo, meelo badanna dib looga soo baxo. Wuxuu arrintan kaga hadlay wareysi uu siiyay barnaamijka Miizaan Podcast oo ka baxa Dawan.
Xamse ayaa sheegay in gulufkaas, oo ka dhacay gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, lagu gaaray guulo badan, balse ay jireen arrimo dhowr ah oo keenay in xooggiisu yaraado.
“Waxa ugu weynaa in dagaalku bilaabmay iyadoo dowladdu cusub tahay oo qorshayaasheedu aysan dhammaystirnayn,” ayuu yiri.
Wuxuu xusay in dagaalku asal ahaan ka bilaabmay gobolka Hiiraan, xilligii xukuumaddii ka horreysay, halkaas oo shacab is abaabulay ay isku dayeen inay iska caabiyaan Al-Shabaab. Sida uu sheegay, dadkaas hiil looma helin, taasina waxay keentay in Al-Shabaab ay qabsadaan deegaannadaas oo ay dad badan laayaan.
“Annaga oo ka faa’iidaysanayna wixii hore u dhacay, dowladdu waxay go’aansatay inay dagaalka gasho oo ay taageerto dadkaas istaagay,” ayuu yiri Xamse.
Xamse ayaa qiray in ciidamo badan oo cusub oo la qoray, tababarkooduna muddo kooban ahaa, ay xaaladdu ku qasabtay in si degdeg ah loogu diro safafka hore. Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah hawlgallada lagu fogaaday meelo aan si wanaagsan loo qorshayn, taasoo keentay qalalaase. Marka la jebiyana, goobaha qaarkood dib ayaa looga soo noqday, waxaana loo guuray difaac.