Muqdisho (Dawan)- Kobaca dhaqaalaha Soomaaliya ayaa hoos u dhacay sannadkii 2025, kaddib markii ay yaraatay kaalmada caalamiga ah iyo dhoofka xoolaha nool oo hoos u dhacay sababo la xiriira abaarihii dalka ku dhuftay, sida lagu sheegay warbixin uu maanta oo Talaadado soo saaray Xafiiska Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliya.
Warbixinta ayaa xustay in Wax-soo-saarka Guud ee Gudaha (Real GDP), oo lagu cabbiray qiimaha joogtada ah ee sannadka saldhigga u ah 2022, uu koray 3.1% sannadkii 2025, halka uu ahaa 4.0% sannadkii 2024, taasoo muujinaysa in kobaca dhaqaalaha uu gaabis ku yimid.
Dhanka kale, Wax-soo-saarka Guud ee Gudaha ee qiimaha hadda jira (Nominal GDP) ayaa gaaray 13.234 bilyan oo doolar sannadkii 2025, marka loo eego 12.348 bilyan oo doolar sannadkii ka horreeyay. Sidoo kale, dakhliga qofka ku soo aada ayaa kordhay oo gaaray 793 doolar, halka uu ahaa 761 doolar sannadkii 2024.
Xafiiska Qaranka ee Tirakoobka ayaa sheegay in inkastoo lacagaha ay soo diraan qurba-joogtu ay sii kordheen, haddana dakhliga ka imanaya kaalmada caalamiga ah uu hoos u dhacay. Waxa kale oo kordhay badeecadaha dibadda laga soo dejiyo, iyadoo baahida loo qabay qaar ka mid ah agabka cuntada ay yaraatay, arrintaas oo hoos u dhigtay kobaca isticmaalka qoysaska iyo dhaqdhaqaaqa guud ee dhaqaalaha.
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in kobaca dhoofku uu gaabis noqday. Inkastoo ay kordheen dhoofinta dalagyada beeraha iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah, haddana kororkaasi ma uusan daboolin hoos u dhaca weyn ee ku yimid dhoofka xoolaha nool oo ay abaartu saameysay.