Jigjiga (Dawan) – Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in ay gaartay boqolkiiba 83 qorshaha ururinta dakhliga sagaalkii bilood ee hore ee sannad-miisaaniyadeedka, iyadoo la ururiyay qiyaastii 24 bilyan Birr, sida uu sheegay Wasiirka Xafiiska Dakhliga, Mudane Muxiyadiin Cabdi.
Mas’uulka ayaa sheegay in qorshaha dakhliga ee muddadaas uu ahaa 24 bilyan Birr, isla markaana inta badan la gaaray, iyadoo dakhliga laga soo kala ururiyay degmooyinka, magaalooyinka, dowladaha hoose iyo hay’adaha kale ee deegaanka.
Wuxuu sidoo kale xusay in marka la barbar dhigo sannadihii hore, gaar ahaan sagaalkii bilood ee sannadkii 2017 (tirsi Itoobiya), dakhliga la ururiyay sannadkan uu kordhay 7.5 bilyan Birr, taasoo muujinaysa koror muuqda oo ku yimid ilaha dhaqaalaha.
Wasiirka ayaa tilmaamay in guud ahaan heerka waxqabadka dakhliga ee deegaanka uu gaaray 92%, isagoo intaas ku daray in dowladdu weli ku howlan tahay dhammaystirka dakhliga harsan rubuca ugu dambeeya ee sannadka.


