Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Arbaco ah xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, isaga oo sabab uga dhigay cabashooyin ka yimid garsoorayaasha iyo xirfadlayaasha sharciga, wuxuuna amar ku bixiyey in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo garsoorka, sida ay sheegtay Madaxtooyadu.
Xasan Sheekh ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, wuxuuna beddelkiisa u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadan uu qaaday kaddib cabashooyin ka yimid garsoorayaasha dalka, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadlayaasha sharciga, kuwaas oo la xiriiray baahida loo qabo garsoor hufan oo caddaalad ah. Hase yeeshee, war-saxaafadeedku faahfaahin kama bixin cabashooyinkaas.
"Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo hay’adaha garsoorka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan oo la isku halleyn karo", ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.