Muqdisho (Dawan)– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan oggolaan doonin in Israa’iil saldhig ciidan ka sameysato Somaliland, isagoo sheegay in haddii ay halkaas saldhig ka sameysato ay noqon doonto tallaabo sharci-darro ah oo aysan shacabka Soomaaliyeed aqbali doonin. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay barnaamijka Miizaan Podcast, oo ka baxa Dawan Media.
“Dowladda Soomaaliya ma oggola. Yeeli mayno, lug ma soo dhigi karaan. Haddii ay soo dhigana, sharci-darro ayay ku soo dhigeen, dadka Soomaaliyeedna ma aqbalayaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay abuuri karto qalalaase weyn oo amni oo ka dhaca Geeska Afrika, oo uu xusay inuu horeyba ula daalaa dhacayay dhibaatooyin amni iyo colaado ka jira dalal ay ka mid yihiin Suudaan iyo Itoobiya.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay iyaduna wajahdo caqabado amni, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, isagoo xusay in gobolka uusan u baahnayn culays iyo dhibaatooyin cusub oo lagu soo kordhiyo.
“Geeska Afrika uma baahna in culays kale iyo mushkilad kale lagu soo abuuro,” ayuu yiri.