Muqdisho (Dawan)- Cabdullaahi Maxamed Cabdi, oo caan ku ahaa Cabdullaahi Wadaad, ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu saameynta badan nidaamka maaliyadeed ee kooxda Al-Shabaab. Wuxuu mas’uul ka ahaa ururinta dakhliga, nidaamka cashuuraha, iyo kormeerka ilaha dhaqaale ee ay kooxdu ku tiirsan tahay, ka hor inta aan lagu dilin duqeyn cirka ah oo Mareykanku ka fuliyay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose 17-kii Janaayo 2026.
Noloshiisi hore iyo ku biiristii kooxaha hubeysan
Cabdullaahi Wadaad waxa uu ku dhashay gobolka Shabeellaha Dhexe, isaga oo sagaashamaadkii iyo bilowgii 2000 ka shaqeyn jiray dugsiyo ku yaalla Muqdisho oo uu ka dhigi jiray culuumta diinta. Isbeddelkiisa xagjirnimada ayaa billowday sanadkii 2005, markaas oo uu ku biiray Midowgii Maxkamadaha Islaamiga, kana mid noqday shaqsiyaadkii faafin jiray fikrado diimeed oo u janjeera dhinaca ad-adag.
Ka dib jabkii Maxkamadaha Islaamiga dabayaaqadii 2006, Cabdullaahi Wadaad waxa uu ka mid noqday hoggaamiyayaashii u cararay Eritrea, ka hor inta uusan dib ugu soo laaban Koonfurta Soomaaliya, halkaas oo uu si rasmi ah ugu biiray Al-Shabaab, oo xilligaas isu beddeshay urur hubeysan oo leh hannaan maamul iyo dhaqaale si wanaagsan loo nidaamiyay.
Dallacaaddiisa sare ee gudaha kooxda






