Muqdisho (Dawan)- Ciiddan sanadkan waxay ka baxday farxaddii dhaqanka iyo hilibkii lagu yiqiin, iyadoo isu beddeshay munaasabad lagu muujiyo aragtiyo iyo olole siyaasadeed. Masaajidda ayaa noqday meelo ay hareeyeen khudbado siyaasadeed, halkaas oo madax kala duwan ay kaga hadleen arrimo siyaasadeed oo taagan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa dhammaantood khudbadahooda Ciidda ku soo hadal qaaday xaaladaha siyaasadeed ee dalka.
Kuma cusba Madaxweyne Xasan Sheekh inuu salaadda Ciidda kadib qaato makarafoonka Masjidka Isbahaysiga oo uu halkaas ka jeediyo khudbad aan siyaasad ka marneyn. Balse khudbadda Ciiddaan waxa uu si weyn diiradda u saaray qaddiyadda Somaliland. In ka badan 20 daqiiqo oo uu hadlay, ku dhowaad 10 daqiiqo wuxuu uga hadlay qorshaha la sheegay in Hargeysa safaarad uga furaneyso Qudus.
Madaxweynaha ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, isla markaana Soomaaliya aysan oggolaan doonin. Sidoo kale, khudbaddiisa kama uusan reebin arrimaha doorashooyinka iyo amniga, kuwaas oo qeyb weyn ka ahaa hadalladiisa, isagoo ku faanay guulaha dowladda.
Dhankiisa, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro kama uusan harin madaxda Soomaalida ee siyaasadda ku soo dartay munaasabadda Ciidda. Khudbad kooban oo uu jeediyay ayuu kaga hadlay xaaladaha gudaha Somaliland, xiriirka dibadda, iyo arrimaha Jabuuti iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Somaliland ay wajahayso cadaadis iyo faragelin dibadeed, balse aysan aqbali doonin. Hadalladiisa ayaa si gaar ah ula xiriiray doodaha ka taagan xiriirka Israa’iil iyo qorshaha la xiriira safaarad laga furo Qudus, arrintaas oo ay dalal badan ka hor yimaadeen.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka mid ah madaxda ka hadashay Ciidda siyaasadeysan”. Magaalada Dhuusamareeb ayuu ka jeediyay khudbad u badneyd fariimo siyaasadeed iyo talooyin uu u arko inay dalka iyo dadka anafacayan.


