Hargeysa (Dawan) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab ayaa Axaddii sheegay in Somaliland iyo Puntland ay leeyihiin xiriir wanaagsan oo dhinaca amniga ah, oo ay ka mid yihiin iskaashi ku saabsan eedeysanayaasha iyo is-weydaarsiga xogta la xiriirta khataraha amni.
Isagoo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, Carab wuxuu sheegay in Puntland ay Somaliland u soo celisay dad lagu eedeeyay dambiyo oo u safray dhinaca Puntland.
“Waxaan xiriir wanaagsan oo nabadeed la leenahay maamulka deriska ah ee Puntland,” ayuu yiri Cabdalle .
Wuxuu sheegay in labada dhinac ay sidoo kale is-weydaarsadaan xog ku saabsan dhaqdhaqaaqyada khatar ku noqon kara amniga Somaliland.
“Warbixinta wixii cadaw ku ah Somaliland waan ku siinnaa,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in Puntland ay Somaliland u soo celiso eedeysanayaasha marka laga codsado.