Muqdisho (Dawan) – Muran siyaasadeed ayaa ka dhex qarxay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed kadib hadallo uu wasiirku ka jeediyay munaasabadda Daahfurka Diiwaangelinta Xog-dhawrayaasha iyo Xog-adeegsadayaasha oo ka dhacday Muqdisho Arbacadii, kuwaas oo ay mucaaradku ku tilmaameen hanjabaado siyaasadeed.
Khilaafka ayaa bilowday markii Fiqi uu sheegay in aysan jirin cid qorsheynaysa inay weerarto mucaaradka, balse uu ka digay waxa uu ku tilmaamay isku dayo lagu abaabulayo maleeshiyaad hubeysan oo lagu daboolayo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed.
“Cid idin soo weeraraysa oo idiin soo socota ma jirto, laakiin maleeshiyaad Maalinkaa qaadatid gacantaa lagaa jabinayaa,” ayuu yiri wasiirku.
Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyay hadallada wasiirka, isagoo ku tilmaamay “hanjabaado dagaal” oo loo jeediyay mucaaradka iyo xubnaha golaha.
Goluhu wuxuu sheegay inuusan hadallada wasiirka u arkin aragti shaqsiyeed, balse uu u arko inay ka tarjumayaan mowqif siyaasadeed oo dowladda ka yimid. Waxa kale oo uu ku eedeeyay dowladda inay adeegsanayso cadaadis siyaasadeed iyo abaabul ciidan oo ka dhan ah mucaaradka.
War-saxaafadeedka Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada qalabka sida inay ilaaliyaan dastuurka iyo badqabka shacabka, kana fogaadaan ku lug lahaanshaha murannada siyaasadeed.
Waxyar kadib markii warsaxaafadeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed la baahiyay, Wasiir Fiqi ayaa qoraal uu ku daabacay Facebook ku difaacay hadalladiisii, isagoo sheegay in si khaldan loo fasiray. Fiqi ayaa ku tilmaamay “wax laga xumaado” in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu, sida uu hadalka u dhigay, qiil u raadiyo abaabul maleeshiyaad lagu carqaladeynayo nabadda iyo xasilloonida dalka. Wuxuu sheegay inuusan waligiis dhiirrigelin rabshado ama gacan ka hadal, islamarkaana hadalladiisu ay tixraacayeen dhacdo hore oo uu sheegay inay ka dhacday degmada Wardhiigley bishii Sebteembar ee sanadkii hore.


