Laascaanood (Dawan)– Wafdi sare oo Qaramada Midoobay ah, oo uu hoggaaminayay George Conway, ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimada, ayaa Axaddii booqday Laascaanood, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari iyo hay’adaha gargaarka.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in booqashadu ahayd mid si gaar ah diiradda u saaraysay arrimaha bani’aadannimada, iyadoo wafdigu doonayay inuu dhageysto mas’uuliyiinta iyo hay’adaha gargaarka, isla markaana fahmo baahiyaha bulshada iyo sida wax looga qaban karo.
Conway ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahday saameynta isbiirsatay ee ugu yaraan afar xilli oo aan la helin roobab , iyadoo waqooyiga dalka uu muddo laba sano ah la kulmayay roobab ka hooseeya heerarkii caadiga ahaa.
“Waxaan ka walaacsannahay saameynta isbiirsatay ee ugu yaraan afar xilli-roobaad oo fashilmay,” ayuu yiri Conway.
Wuxuu sheegay in hay’adaha gargaarka ay sidoo kale wajahayaan yaraansho weyn oo dhanka maalgelinta ah, isagoo xusay in qorshaha gargaarka Soomaaliya xilligaas uu ahaa qiyaastii 29% maalgelin, halka Sool iyo Sanaag laga gaarayay oo keliya qiyaastii 26% bartilmaameedyada gargaarka.
Conway ayaa sheegay in xaaladdaasi ay ku khasbeyso hay’adaha gargaarka inay mudnaanta siiyaan dadka ay haystaan baahiyaha ugu daran, gaar ahaan adeegyada naf-badbaadinta.
Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale booqday xarunta xasilinta ee Isbitaalka Laascaanood, halkaas oo Conway uu sheegay inuu ku arkay carruur ka soo kabanaysa nafaqo-darro ba’an.
Wuxuu sheegay in gargaar noocaas ahi uu muhiim u yahay badbaadinta nolosha, isagoo sidoo kale ka digay in abaarta daba dheeraatay ay keeni karto khasaare naf, nolol-maalmeed iyo barakac.