Baydhabo (Dawan ) – Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku xirtay xiisadaha siyaasadeed ee kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya muran la xiriira heshiisyada shidaalka iyo gaaska, iyadoo muujisay walaac ku saabsan maareynta kheyraadka dalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka xalay oo Isniin ah ayaa lagu sheegay in arrimaha socda ay qeyb ka yihiin istiraatiijiyad siyaasadeed oo ballaaran oo la xiriirta maareynta kheyraadka dabiiciga ah.
“Waxaa jira tilmaamo sii kordhaya oo muujinaya in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin istiraatiijiyad siyaasadeed oo ballaaran oo lagu wiiqayo nidaamka federaalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Maamulka ayaa sidoo kale tilmaamay heshiisyada shidaalka iyo gaaska ee lala galay Turkiga, isagoo sheegay inay noqdeen meel ay ka dhalatay xiisad u dhaxeysa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
