Baydhabo (Dawan) — Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen magaalada Baydhabo, xilli magaaladaasi lagu waday in lagu qabto munaasabadda dhaarinta xildhibaannada cusub ee maamulka.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bay, Gaashaanle Dhexe Sidiiq Doodishe, oo warbaahinta kula hadlay Baydhabo kaddib dagaalkii dhacay aroornimadii maanta, ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay isku dayayeen inay qalalaase ka abuuraan magaalada.
Sida uu sheegay taliyuhu, ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, isla markaana ku guuleystay inay joojiyaan dhaq-dhaqaaqii kooxaha hubeysan.
“Kooxo falaago ah oo hubeysan ayaa isku dayay inay qalalaase ka abuuraan magaalada. Ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah uga hortagay, waxaana la soo afjaray weerarkii ay soo qaadeen. Haatanna waxaa socda uruurinta meydadka dadkii ku dhintay dagaalka,” ayuu yiri Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bay.


