Muqdisho (Dawan) – Iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshaha hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, ayaa waxaa weli sii xoogeysanaya khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, kaas oo salka ku haya hannaanka loo maamulayo geeddi-socodka doorashooyinka dalka.
Mucaaradka ayaa si cad u sheegay in aysan diidaneen mabda’a doorashooyinka tooska ah, balse ay ka walaacsan yihiin habka loo wajahayo iyo cidda gacanta ku heysa maamulka doorashada.
Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Cabdkariin Xuseen Guuleed, oo hadda ka tirsan isbaheysiyada mucaaradka ee “Xaqsoor” iyo “Haybad Qaran”, ayaa sheegay in waxa ay dalbanayaan uu yahay doorasho lagu heshiiyay oo ay dhinacyada siyaasadda si wadajir ah ugu qanacsan yihiin.
“Waxaan rabnaa doorasho, ha noqoto mid toos ah ama mid dadban, balse noqota doorasho heshiis lagu yahay oo aanu qof gaar ahi shaarkiisa u tolaneyn,” ayuu yiri Guuleed.
Wareysi uu siiyay barnaamijka Miizaan Podcasts ee ka baxay Dawan Media 17-kii May 2026, ayuu Guuleed ku dhaliilay qaabka loo dhisay guddiyada doorashada iyo sida loo maamulayo dhaqaalaha la xiriira geeddi-socodka doorashada.
Sida uu sheegay, mucaaradku waxay aaminsan yihiin in guddiga doorashada uusan ahayn mid madax-bannaan, isla markaana uu si toos ah ugu xiran yahay madaxtooyada.


