Muqdisho (Dawan) – Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay sii wadaan wada-hadalka isla markaana muujiyaan is-xakameyn siyaasadeed, xilli wada-hadalladii siyaasadeed ee socday intii u dhexeysay 13-ka illaa 15-ka May ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Kaalmaynta Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay dib-u-billaabista wada-hadallada siyaasadeed, balse waxaa walaac looga muujiyay in kulamadii ugu dambeeyay ay mar kale kusoo dhammaadeen iyadoo aan xal laga gaarin khilaafaadka muhiimka ah ee la xiriira arrimaha doorashooyinka.
“Waa wax laga xumaado in mar kale wada-hadalku ku soo dhammaado iyadoo aan la xallin khilaafaadka muhiimka ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska.
Baaqa Qaramada Midoobay ayaa yimid xilli Soomaaliya ay wajahayso marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, taas oo u baahan in dhinacyada siyaasaddu ka fogaadaan tallaabooyin sii xoojin kara kala qeybsanaanta, isla markaana mudnaanta siiyaan wada-hadal lagu gaari karo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.


