Soomaaliya (Dawan)- Waxaa sii xoogeysanaya doodaha ku saabsan khataraha amniga qaranka Soomaaliya, xilli dalka uu ku jiro marxalad dib-u-dhis dowladeed iyo dagaal adag oo lagula jiro kooxaha hubeysan. Khubarada amniga ayaa sheegaya in aqoonsiga khatarahani uu yahay tallaabo muhiim ah oo saldhig u ah qorsheynta amni ee mustaqbalka.
Agaasimaha Machadka Saldhig, Xuseen Macallin, oo hore laba jeer u soo noqday la-taliyaha amniga qaranka, ayaa faahfaahin ka bixiyay khataraha ugu waaweyn ee Soomaaliya u aqoonsatay inay halis ku yihiin amniga qaranka dalka, isagoo ka hadlayay barnaamijka “Miizaan Podcast” ee ka baxa Dawan Media.
Argagixisada oo weli ah khatarta ugu weyn
Xuseen Macallin ayaa sheegay in argagixisadu ay weli tahay khatarta ugu weyn ee dalka, maadaama ay si toos ah u saameyneyso nolosha shacabka, hay’adaha dowladda iyo guud ahaan xasilloonida dalka.
Wuxuu yiri: “Argagixisadu waa xaalad taagan, haddii aan si dhab ah wax looga qaban way sii faafaysaa, waxayna saameyneysaa guud ahaan bulshada iyo dalka.”
Gooni-goosadka iyo halista midnimada dalka
Qodobka labaad ee uu xusay wuxuu ahaa gooni-goosad, isagoo tilmaamay in cid kasta oo ka soo horjeedda midnimada dalka ay tahay khatar amni oo qaranka wiiqeysa.
Wuxuu ku adkeeyay in: “Cid kasta oo doonaysa inay kala jarto dalka waxay halis ku tahay amniga qaranka, waxayna kala dhantaaleysaa dowladnimada.”
Nuglaanshaha hay’adadaha dowladda
Xuseen Macallin ayaa sidoo kale iftiimiyay in dowlad nuglaansho ay ka mid tahay khataraha ugu culus ee Soomaaliya wajahdo.
Wuxuu yiri: “Marka hay’adaha dowladdu aysan shaqeyn karin ama ay jirto dowlad xumo, waxay taasi dhalinaysaa fursado ay khataraha kale ka faa’iideystaan.”
Xuduudaha dalka iyo halista cyber-ka
Soomaaliya waxay aqoonsatay in amniga qaranku uusan ku koobnayn ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka, balse uu leeyahay “xuduud afaraad” oo ah dhanka tiknoolajiyadda.


