Jabuuti, 14 Janaayo 2026 (Dawan)— Xubno ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jabuuti ayaa bilaabay barnaamij tababar oo lagu baranayo luqadda Turkiga, taas oo ah tallaabo lagu doonayo in lagu xoojiyo iskaashiga amniga badaha iyo xiriirka hawlgaleed ee u dhexeeya Jabuuti iyo Turkiga, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.
Barnaamijkan oo si rasmi ah looga bilaabay Safaaradda Turkiga ee Jabuuti, isla markaana lala kaashanayo Hay’adda Macaarif ee Turkiga, ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ku dhowaad 30 sarkaal iyo saraakiil ku-xigeenno ah oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha. Tababarka ayaa diiradda saaraya kor u qaadidda awoodda isgaarsiineed iyo fahamka luuqadeed ee saraakiisha, si ay ula jaanqaadaan iskaashiga caalamiga ah ee amniga badaha.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jabuuti, Wacays Cumar Boqore, ayaa sheegay in barnaamijkan uu si toos ah uga jawaabayo baahiyaha amniga badda, isla markaana uu kor u qaadayo xirfadaha iskaashi ee ciidanka. Wuxuu xusay in barashada luuqadda Turkiga ay fududeyn doonto wada shaqeynta howlgal iyo tan farsamo ee u dhexeysa labada dal.






