Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka digay in Soomaaliya ay halis ugu jirto in awoodo dibadeed qaabeeyaan doorkeeda iyo mustaqbalkeeda istiraatiijiyadeed haddii aysan si cad u qeexin danaha iyo mowqifkeeda ku aaddan isbeddellada amniga gobolka.
Wareysi uu siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, Sharmaarke ayaa sheegay in juqraafiga Soomaaliya uu leeyahay muhiimad istiraatiiji ah oo weyn, maadaama ay ku taallo meel muhiim u ah isu-socodka ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan Gacanka Cadmeed, Bab al-Mandab iyo Badda Cas.
“Haddii aadan adigu is qeexin, dadka kale ayaa bilaabi doona inay ku qeexaan,” ayuu yiri Sharmaarke.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan weli si cad u qeexin doorkeeda istiraatiijiyadeed, taasoo uu sheegay inay u oggolaatay in dowlado iyo quwado shisheeye ay si kala duwan u fasiraan kaalinta dalka iyo xarumihiisa.
Sharmaarke ayaa tusaale u soo qaatay xarunta tababarka ciidamada ee TURKSOM ee Muqdisho, isagoo sheegay in Soomaaliya ay u aragto xarun lagu tababaro Ciidanka Xoogga Dalka, halka qaar kale ay ku tilmaamaan saldhig militari oo shisheeye.
Wuxuu sheegay in kala duwanaanshaha fahamkaasi uu muujinayo baahida Soomaaliya u qabto mowqif qaran oo cad oo ku saabsan iskaashiga amniga iyo joogitaanka ciidamada shisheeye.