Addis Ababa (Dawan)– Dowladda Mareykanka ayaa hoggaanka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF uga digtay sii wadidda howlgallada militari ee ka soo cusboonaaday waqooyiga Itoobiya, kaddib markii dagaallo cusub ay ka qarxeen deegaanno ka tirsan gobollada Tigray iyo Afar.
Danjiraha Mareykanka ee Itoobiya, Ervin J. Massinga, ayaa sheegay inuu ka xun yahay go’aanka hoggaanka TPLF uu ku qaaday waxa uu ku tilmaamay “weerar ballaaran”, xilli ay jireen dadaallo lagu doonayay in khilaafka lagu xalliyo wadahadal siyaasadeed.
“Diidmada wadahadallada uu Midowga Afrika garwadeenka ka yahay, ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Olusegun Obasanjo, iyo gelitaanka dagaal aan lagu guuleysan karin waxba uma tarayaan shacabka,” ayuu yiri Massinga.
Danjiraha ayaa sidoo kale kooxaha kale ee hubeysan uga digay inay ku biiraan colaadda, isaga oo sheegay in Washington ay haysato awood ay cunaqabateyn dheeraad ah ku saari karto hoggaamiyeyaasha isku daya inay Itoobiya u jiheeyaan waddo colaadeed. Wuxuu ku adkeystay in wadahadal siyaasadeed oo macquul ahi yahay jidka ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafka.
Xiisadda ayaa si weyn u korortay maanta oo Arbaco ah, kaddib markii ciidamada Tigray ay la wareegeen garoomada diyaaradaha ee Mekelle iyo Shire, halka warar kale ay sheegayaan inay sidoo kale gacanta ku dhigeen garoonka Axum. Wararka laga helayo Mekelle waxay tilmaamayaan in garoonka Alula Aba Nega lagala wareegay ciidamada booliska federaalka habeenimadii Talaadada.