Muqdisho (Dawan)– Soomaaliya ayaa billowday qorshe lagu doonayo in dadka iyo baahiyahooda laga dhigo saldhigga siyaasadaha horumarinta dalka, xilli dowladda ay isku dayeyso inay dhisto hannaan mideeya qorsheynta dhaqaalaha iyo isbeddellada dadweynaha.
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Muqdisho ku daahfurtay Hindise-Qorsheedka Dhismaha Golaha Qaranka ee Dadweynaha iyo Horumarinta Soomaaliya.
Golaha la qorsheynayo ayaa noqonaya hay’ad qaran oo isku xirta arrimaha dadweynaha iyo qorsheynta horumarinta, iyadoo xogta ku saabsan tirada, da’da, dhaq-dhaqaaqa iyo baahiyaha bulshada lagu saleynayo go’aamada la xiriira caafimaadka, waxbarashada, shaqo-abuurka iyo adeegyada kale ee bulshada.
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in qofka Soomaaliyeed uu noqdo bartamaha qorshe kasta oo horumarineed.